Description
Farriin: Ku Hablaha Muuminiinta by Maxammed Gaanni (Somali) Paperback Book. Title Farriin. [Rumaysan] dadka oo dhan in ay xaggiisa u laabanayaan maalinta qiyaamaha ee shakigu uusan ku jirin, daahana uu ka qaadi doono wax kasta oo dahsoonaa ee asturnaa iyo xaqiiqo walba oo qarsoonayd. Farriin by Maxammed Gaanni Estimated delivery 3-12 business days Format Paperback Condition Brand New Description Waxaan uga jeedaa gabadha Ilaahay rumaysan, tan yaqiinsan jiritaanka Ilaaha keli ah ee aanay cidina asaga iyo sifooyinkiisa waxba la wadaagin, rumaysanna in kaligi uu yahay kan waxtara ee aanay jirin cid kale oo waxtarta, iyo in uu yahay kan wax dhiba haddii uu doono ee aanay cid kalanan wax dhibi karin. [Rumaysan] dadka oo dhan in ay xaggiisa u laabanayaan maalinta qiyaamaha ee shakigu uusan ku jirin, daahana uu ka qaadi doono wax kasta oo dahsoonaa ee asturnaa iyo xaqiiqo walba oo qarsoonayd. Waa maalinta shallayto iyo qoommamo ay haysato qofkii ku kadsoomay adduunyada, ku xadgudbay amarrada Ilaahay, waana maalinta farxadda iyo raynraynta uu ku jiro qofkii adduunka u fahmay sida dhabta ah ee uu yahay, ka na dhigtay kaalmo uu ku helo Ilaahay ku ma jabna in aanan u la jeedin tan Ilaahay maqashay ee aan waxbana ka fahmin, erayga 'iimanna' dhaxashay asaga oo ah halhays carrabka saaran, waxa uu xambaarsan yahayna aan hubsan jeer uu noqdo caqiido qalbigeeda ku jirta. Waxaa laga yaabaa in magaca Ilaahay uu carrabkeeda ku soo noqnoqdo labaatan jeer maalinkii, laakiin aanay hal marna bishii ama sannadkii ku baraarugayn awooddiisa weyn. Haddii la xusuusiyo ama ay ku fakartana ka ma ay taqaan wax ka badan sida ay dhahaanba, in uu yahay xaqiiqo weyn oo qarsoon, sida Ether[1]-ka aysan ka aqoon wax ka badan in uu yahay sir qarsoon oo ka mid ah siraha koonka. Haddii etherka ay rumasan tahay uu agaasin ku leeyahay habdhaqankeeda iyo qaabka nolosheeda, rumaysnaanteeda Ilaahayna awooddaa oo kale bay ku yeelan lahayd. Iimaankaan oo kale lama yiraahdo iimaan, in looga jeedo u ekaysiin iyo maldahid mooyaane. Iimaankaan oo kale qalbiga ma dhaxalsiiyo wax Alle ka cabsi ah, qofkiisana meelna u ma uu dhigo, waxna ku ma uu laha toosinta wax uun ka mid ah qaab nololeedka iyo habdhaqanka. Iimaankaan raqiiska ah waxa uu si badan ugu firirsan yahay bulshooyin ku nool Yurub iyo daafaha Maraykanka, waxaana uu kuu muuqanaya asaga oo barbar socda wax walba oo bulshadaas la karkarayso ee leh: fasahaadka anshaxa, cabbursanida nafeed iyo ku maashoobidda aan kalareebka lahayn ee sakhradda nolosha maaddiga ah ee se, waxaan warkayga uu buuggaani xambaarsan yahay u la jeedaa gabar walba oo Ilaahay rumaysan, iimaan ayadu ay si xor ah u dooratay, ka dhashay raalli ahaanta qalbigeeda iyo dareenkeeda nafeed, waxaana hubaa in bulshadeenna ay buuxdhaafiyeen hablo iimaankaan oo kale leh. Waxaan u jeedsanayaa gabar walba oo gunta qalbigeeda ka rumaysan Ilaahay, si aan ugu dhaho: Jiritaankeenna noloshaan waa dhab, dhabtana waa ay ka sii halis badan tahay! Haddaba, sawirashada cawaaqibkeedu yaanay kaa daahin nooc walba oo jaadadka soojiidashadeeda ka mid ah, liidashadeeduna yaanay ku hilmaansiin farabadnida kuwa baacsanaya. Ha illaawin in ay dadku xagga Ilaahay ugu ambabaxayaan saacad imtixaan ah ayaga oo og ama warmoog ah, waxaana la ga yaabaa in ay saacaddaasi dheeraato ama ay gaabato, laakiin se mar walba ka badan mayso saacad jirrab ah. Mar haddii ka tallaabidda saacaddaa imtixaanka ah ay tahay qaddar si siman uga dhexeeya rag iyo dumarba, waxay haweenaydu ka ga duwan tahay ninka qaadista culays kale oo adduunka inta la joogo aad khatar u ah, aakhirana raad weyn ku yeesha!.. Details ISBN-13 9798989732838 Title Farriin Author Maxammed Gaanni Format Paperback Year 2024 Pages 148 Publisher Looh Press GEItemID:161534666; About Us Grand Eagle Retail is the ideal place for all your shopping needs! With fast shipping, low prices, friendly service and over 1,000,000 in stock items - you're bound to find what you want, at a price you'll love! Shipping & Delivery Times Shipping is FREE to any address in USA. Please view eBay estimated delivery times at the top of the listing. Deliveries are made by either USPS or Courier. We are unable to deliver faster than stated. International deliveries will take 1-6 weeks. NOTE: We are unable to offer combined shipping for multiple items purchased. This is because our items are shipped from different locations. Returns If you wish to return an item, please consult our Returns Policy as below: Please contact Customer Services and request "Return Authorisation" before you send your item back to us. Unauthorised returns will not be accepted. Returns must be postmarked within 4 business days of authorisation and must be in resellable condition. Returns are shipped at the customer's risk. We cannot take responsibility for items which are lost or damaged in transit. For purchases where a shipping charge was paid, there will be no refund of the original shipping charge. Additional Questions If you have any questions please feel free to Contact Us. Categories Baby Books Electronics Fashion Games Health & Beauty Home, Garden & Pets Movies Music Sports & Outdoors Toys